4 Episodes
2020 First episode About Bootaaniya Podcast Gorfayn iyo Golejoog
Publisher BOOTAAN BOOTAAN
Category arts
Language so
Explicit No
First episode 24 Feb 2020
Latest episode 3 Jul 2020 Latest episodes 4 episodes in the feed.
3 Jul 2020
SHAKAAL YEELO - Maxamed Cabdicasiis Bootaan Sharaftiyo karaamada haddaad, shaadh ka dhigan waydo
Shahaada markhaatiga ma galo, shayga kii xumiye
shubuhada qofkii lagu bartaa lagu shareereeye
Sharacallee xurmadu waa midaan, shaaki galahayne
Sharaceedu wixii ay nacdee, diinta lagu sheegay
Iyo dhaqanka shaygii dila bawaa shaxiixmaa
Nafta inaad ka sheentaa habboon, shariyo haadaane
Ri' weliba shilkii ay gashaa lagu shidhaystaaye
Shaandhaynta ruuxaan aqoon, shaabad baa xigiye
Shakaal yeelo, edebta na shifee, sheekada na gaabso
Oo shuqulka qaarkii ha shaac baxaad noqone
Hayska shiiqsan sheerkaan ahayn shiilka gacantaada
Ha shafeecsan shuqullada badhkood shabac daraaddeeda
Hana shaacin sheekada middaan shiishku qabanaynin
Sharaxaadda maansada haddaan shay ka daba tuuro
Shibir taako wixii aan dhammayn share ta ka ilaali
Shaaraca ha gayn ceeb hadhow, shaabad kugu reebta
Shaaficida diinta wixii sheedda uga leexda
Shaanshaan ka tuur beenta iyo hadalka shaydaanka
Dadka qaar shufta baa jiroo shiida aadmiga
Dulqaadkaa ka shaafiya waxay sheegiyoo idile
Sharaftaada dhowroo cidna ba how shiddo lahaanin
Maxamed Cabdicasiis Bootaan
12 May 2020
Dhalan rogadka waayaha - Cabdul Seed Maansada Dhalan Rogadka waayaha
9 May 2020
GORFAYNTA GOLE GARAAD: MAANSO DHALAN-ROGADKA WAAYAHA - CABDUL SEED Dhalan rogadka waayuhu
Waa mid soo dhignaayoo
Hadba dhinac u guuree
Dhogortii markuu riday
Dhudda xoogga baabaco
Bal inuu mar dheefsado
Dhexda toosi aadmigu
Oo socod dhaqaaq baray
Oo ku dhiirray joogsiga
Aragguna u dheeraa
24 Feb 2020
Hordhac, Bootaaniya Podcast Ka kooban, gorfayn iyo gulufayn, gabay iyo qiso.
Host of Bootaaniya Podcast? Claim your podcast to manage its listing and keep your show details accurate.
Claim this podcast Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice .