#07. Safarkeygii Dooxa, Qatar I Diiwaanka Mahad Podcast
Waxaan martiqaad ka helay Madasha Doha 20-kii Nofembar si aan uga qayb galo shirka 23-aad ee Madasha Dooxa, oo lagu qabtay Diseembar 6-7, 2025, magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar. Waxaa si gaar ah la iigu casuumay inaan ka hadlo kulan ku saabsan dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxay ahayd fursad naadir ah in aan noqdo dadka ka hadlaya madasha markii iigu horreysay oo aan ka qayb galo Madasha Dooxa. Xalqadan toddobaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bis...
25 Sept 2026
#08. Kismaayo, Sanad Kadib I Diiwaanka Mahad Podcast
Sanad kadib, waxaan dib ugu safray Kismaayo. Markii ugu dambeysay ee aan magaaladaas tagay waxay ahayd bishii May ee 2025. Waxa aan casuumaad ka helay machadka Dooxada Jubba (JVI) oo igu casumay in aan ka qayb galo madal lagu gorfeynayay marxaladda siyaasadeed iyo doorasho ee Soomaaliya, oo lagu qabtay Kismaayo 27-28 Luulyo. Xalqadan siddeedaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bishii August oo aan uga hadlay safar aan ku tagay magaalada Kismaayo. #Diiwaan...
8 Dec 2025
#06. Safarkeygii Carta, Jabuuti I Diiwaanka Mahad Podcast
Waxaan ka qeyb galo xuska sanad guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda ee Carta iyo daahfurka taallada nabada. Taallada ayaa laga dhisay isla goobtii uu ka dhacay shirkii Carta 25 sano kahor. Waan ku faraxay in aan ogaado dadaallada la sameeyay si loo diiwaangaliyo diiwaankii shirkaas muhiimka u ahaa Soomaaliya ee horseeday dhalashada Jamhuuriyadda saddexaad. Xalqadan lixaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bishii November ee sanadkan oo aan uga hadlay safar a...
31 Jul 2025
#05. Safarkeygii Magaalada Caruusha, Tansaaniya
7-dii Abriil ayaan kamid noqday dad kooban oo loo xushay in ay ka qeyb galaan koorso Transformational Leadership ah ee la qorsheeyay in lagu qabto 9–20 June magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan tago Caruusha oo ah magaalada inta badan lagu xuso taariikhda Soomaalida. Xalqadan shanaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bishii Juun ee sanadkan oo aan uga hadlay safar aan ku tagay magaalada Caruusha ee dalka Tansaani...
24 Jun 2025
#04. Safarkeygii Kismaayo
Mahad recounts his journey to Kismayo as part of meetings organized by Somali Public Agenda and PDRC to explore solutions for the country's political issues.
3 May 2025
#03. Safarkeygii Buuloburte: Xusuus iyo Dareen
Sanadka 2025 waxa uu iigu billowday safar isbuuc ah oo aan ku tagay degmada Buuloburte. Markii iigu dambeysay ee aan magaalada tago waxa ay ahayd Agoosto 2023. Inkastoo culeysyo iyo duruufo badan ay ka jiraan magaalada, haddana waa magaaladeyda. Waa meesha aan dareemo lahaansho. Xalqadan saddexaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa blog aan daabacay bishii January ee sanadkan 2025 oo aan uga hadlay safar aan ku tagay Buulaburte. #DiiwaankaMahadPodcast
22 Mar 2025
#02. Safarkii Dheeraa ee aan Jigjiga ku Gaaray & Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed
Saaxiibkey Maxamed Cumar ayaa uu igu casuumay Shirwaynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Summit), kaasoo ka dhacay magaalada Jigjiga intii u dhexeysay 25 iyo 27 Nofeembar 2023. Horey uma aan tegin Jigjiga. Ma jirto diyaarad toos ah oo Muqdisho ka baxda oo tagta Jigjiga. Labada waddo oo aan ku tagi karay waxa ay kala ahaayeen in aan Addis Ababa sii maro & in aan diyaarad ku tago Hargeysa kadibna aan safar dhulka ah ku gaaro Jigjiga. Waxaan rabay in aan dhulka sii barto, waxa aanan...
Aaladda TikTok ayaan mararka qaar isticmaalaa. Waxaa jira muuqaallo badan oo aqoon kororsi ah eel aga heli karo iyo kuwo kale oo madadaallo ah oo aan daawado mar kasta ee aan isticmaalo aaladdan. Sikastaba ha noqotee, waxa aan aaladdan ka daawaday sawirro hore oo hees Hindi ah la dul saaray. Qaar ka mid ah sawiradan ayaa ah sawirro qof, dhowr qof ama goob ku taalla Muqdisho oo la qaaday sanado ka hor. Markii aan dhowr post oo noocan ah daawaday, waxa aan bilaabay in aan dib u milicsado ...
Podcast Authority Score: 3 / 100
A composite of feed quality, social presence, YouTube performance and engagement. Read the methodology.
Quality
5
Social presence
0
YouTube
0
Engagement
0
Contact Diiwaanka Mahad
Guest appearances
Books guests
Based on episode analysis; this does not confirm that the show is currently accepting guests.
Host of Diiwaanka Mahad?
Claim your podcast to manage its listing and keep your show details accurate.
Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice.
Explore this show Podcast research with Pod Engine