Exploring how current issues impact the process of state-building in Somalia. This program will connect everyday challenges and opportunities to the broader goal of building effective governance and institutions. Objectives: • Deliver in-depth analyses of significant challenges impacting governance and institution-building. • Highlight actionable strategies for improving peacebuilding, public service delivery, and social cohesion.
Xalqadadii 6-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxaa Marti ku ah Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo ah Barre Sarre oo ka tirsan Jaamacadda City university of Mogadishu ahna la taliye Sarre Machadka Heritage, Xalqadaan waxaa diirada lagu saarayaa Wadahadal Qaran & Xiriirka la leeyahay Dowlad-dhiska, ugu horeyn wuxuu sharaxaad ka bixinayaa mowduuca asagoo Ditoorka ku lifaaqayo Daraasad uu dhawaan Machadka & FBA wada sameeyeen. Waxaa lagu iftiimiyey noocyada wadahadalada ayadoo lagu tusaale bixinaayo sida Dowlad-dhiska Somaaliya u qabeeyeen si gaar ah Shirweynihii Nabadeynta ee Carta. Sidoo kale Xalqadaan waxaa tooshka lagu ifiyey marxaladihii uu soo maray dastuurka saameynta, Nidaamka Federaalka & Hab-dhaqanka Hogaamiyaasha ee ku Aadan Sareynta Sharciga & Dowladnimada. Waxaa intaas-dheer in xalqadaan lagu lafo-guray Kiiska Somali-land ayadoo lala Aqrinaayo marxaladihii lasoo maray ka hor Xuriyada. ugu dambeyntii xalqadii waxaa lagu soo gunaanuday nuxurkii kasoo baxay daraasada oo ay ka mid tahay doorka ay siyaasiyiinta ka qaadanayaan wadahadal Qaran, doorka Beesha Caalamka, Kaalinta bulshada rayidka & Muwaadinkaba.
Xalqadii 5-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxey ku saabsan tahay xiriirka ka dhaxeeyo dowlad-dhiska iyo Amniga Qaranka Waxaa Marti ku ah Xuseen Sheekh Cali oo ah Gudoomiyaha Machadka Saldhig, isla Markaana labo jeer soo noqday lataliyaha Amniga Qaranka. ugu horeyn Wuxuu Sharaxaad ka bixin dona Mowduuca, Xaladihii uu soo maray dalka ee burburkii dowlada & dib usoo yagleelidii Jamhuuriyada Seddexaad, Caqabadaha heysto dowlad dhiska Somaaliya & khataraha Amniga.
Sidoo kale Xalqadaan waxaa lagu Iftiimin donaa Aragtida Hogaanka dalka ka heystaan Habka la isku heleysiinaayo dowladnimada & Amniga Qaranka.
Waxaa intaas dheer Xalqadaan lagu lafaguray Saameynta Somaaliya ku yeelan karto Xasillooni darada Juqraafi siyaasadeed ee ka Jirta gobolka gacanka, Badda Cas iyo geeska Afrika.
Gabagabadii Qorshooyinka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika iyo taageerada dibadeed ee Soomaaliya lagu Kabaayey dowlad-dhiska & Amnigaba , Xalqadaan waxaa lagu soo gunaanuday doorka uu qaadanaayo Muwaadinka Soomaaliyeed.
Xalaqadaan waxaa daadahinaayo Dr. C/rashiid Ismaaciil oo ah Agaasime Ku Xigeenka Machadka Heritage.
17 Jun 2026
Xalqadda 4-aad | Isbeddelka Cimilada & Saameynta ay ku leedahay Soomaaliya
Podcastiga Dawlad-dhis – Xalqada 5aad
Xalqada shanaad ee Dawlad-dhis waxay diiradda saareysaa mid ka mid ah caqabadaha ee waaweyn ee xiligan: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay Soomaaliya.
🎤 Marti: Dr. Abdullahi Khalif, Fududeeyaha Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda
🎤 Marti: Mr. Liban Obsiye, Agaasiamah Guud, Sanduuqa Qaran ee Cimilada, JFS
Dooddu waxay iftiimineysaa sidii si cilmi ah loogu fahmi lahaa isbedelka cimilada, heerka baraaruga mujtamaca Soomaaliga ee isbedelka cimilada, iyo xaqiiqooyinka ku gadaaman heerka la qabsi ee bulshada reer guuraaga ah ee isbedelka cimilada. Xalqadani waxay kaloo eegeysaa heshiisyada caalamiga ah, iyo sida ay dunidu uga jawaabeyso dedaalada yareynta iyo laqabsiga isbedelka cimilada.
🎙️ Martigeliye: Dr. Abdirashid Ismail, Agaasime Xigeen, Machadka Deraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS)
5 Mar 2026
Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya?
Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha.
Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya”, isla markaana uu isagu hoggaamiyey.
Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan ka shaqaynta nidaamyada caafimaadka dalal kala duwan.
📖 Halkaan ka Akhri warbixinta. 👉
Somali: https://bit.ly/4prProz
English: https://bit.ly/44rgbgI
Arabic: https://bit.ly/3LVsADs
5 Mar 2026
Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho
Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.
Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice.
Explore this show Podcast research with Pod Engine