Feker Xora is a weekly podcast dedicated to discussing around critical public policy topics and emerging issues affecting somali society. Discussions also spotlight education, leadership and somali elite culture.
Waxa marti inoogu ah toddobaadkan barnaamijka Dr. Saadiq Enow. Digtoorku waxa uu aragtidiisa falanqayn kooban ku samayn doonaa jawaabta su'aasha ah: aqoonyahanka soomaaliyeed kaalintiisii bulsho ma gutay mise?
17 May 2021
SE01EP05: Aqoonyahanka iyo Doorka Bulshada - Dr. Maxamuud Geeldoon
Episode-kan waxa noo gu marti ah Dr. Maxamuud Cali Geeldoon oo inoo ga warramaya doorka Aqoonyahanka iyo bulshada. Waxa uu ka hadlayaa sida aqoonyahanka soomaaliyeed halkii ay ka hoggaamin lahaayeen bulshada iyagii odayaal qabiil iyo shakhsiyaad macne liitaa u hoggaamiyeen. Gebogabada waxa uu dhalinyarada soomaaliyeed u soo jeedinayaa talooyin ay tahay in ay guntadaan si bulshada loo samatabixin lahaa.
8 May 2021
SE01EP04: Qaabdhismeedka Booliiska Soomaaliland & Dibuhabaynta uu u Baahanyahay
Waxa inoo gu casuumman xalqaddan 4aad Garyaqaan Guuleed Dafac. Waxa aannu ka ga hadlaynaa qaabka uu u dhisan yahay Booliiska Soomaaliland iyo galdaloolooyinka jira. Sidoo kale dibuhabaynta Booliisku u baahan yahay iyo qaabdhismeedka booliis ee dal dimuquraaddi ah inuu yeesho ay tahay baanu isla eegaynaa. Waxa uu Guuleed ka ga hadlayaa sababaha loo hortaagan yahay dibuhabayn la gu sameeyo booliiska.
25 Apr 2021
SE01EP03: Doorka qoraagu ku lee yahay bulshada
Qoraa Faarax Maxamuud oo ku caan ah Sheeko-Xariiro oo noogu casuuman episode-kan waxa uu si guud u ga hadlayaa qoraalka iyo qoraaga iyo doorka qoraagu ku lee yahay bulshada.
27 Mar 2021
SE01EP02: Bulshooyinka reer guuraaga ah iyo Dawladnimada
Episode-kan waxa uu Dr. Maxamuud Cali Geeldoon ku falanqaynayaa bulshooyinka reer guuraaga ah iyo Dawladnimada.
12 Mar 2021
SE01EP01 Dimuquraadiyadda iyo u hoggaansanka iyo ilaalinta sharciga
Dawladnimada waxa saldhig u ah sharci. Xalqaddan waxa Garyaqaan Mubaarig cabdi ka warramayaa "Dimuquraadiyadda iyo u hoggaansanka iyo ilaalinta sharciga." Sidoo kale waxa aannu ku eegaynaa Soomaaliland iyo heerka ilaalinta sharciga iyo u hoggaansankiisa.
Contact Feker Xora
Guest appearances
Books guests
Based on episode analysis; this does not confirm that the show is currently accepting guests.
Host of Feker Xora?
Claim your podcast to manage its listing and keep your show details accurate.
Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice.
Explore this show Podcast research with Pod Engine