Kulan Podcast waa madal dood iyo sheeko-wadaag ah oo sahamineysa taariikhda, aqoonsiga, iyo waayo-aragnimada Soomaalida qurbaha. Barnaamijkan wuxuu iftiiminayaa sheekooyinka aan inta badan la maqal,laga bilaabo taariikh, socdaal, iyo qaxootinimo, ilaa horumar, hal-abuurnimo, iyo hoggaan jiil cusub.
Xalaqad kasta, Kulan Podcast wuxuu isu keenaa cilmi-baaris, sheekooyin dhab ah, iyo falanqeyn qoto dheer si loo fahmo halka aan ka nimid, halka aan joogno, iyo halka aan u soconno. Waa kulan u dhexeeya jiilal, dhaqammo, iyo aragtiyo kala duwan.
Haddii aad xiiseyneyso taariikhda Soomaalida, waayo-a
Kusoo dhawaada xalqaddii ugu horreysay ee barnaamijka Maanka & Koboca! Sannad kasta waxaan qaadannaa go'aanno waaweyn oo aan nolosheenna ku beddeleyno, laakiin maxay dhowr isbuuc ka dib inbadan oo naga mid ah ugu fashilmaan?
Xalqaddan, waxaan si qoto dheer ugu dhex quusi doonnaa Sirta 1%. Sida isbeddellada yaryar ee aan la arki karin ay noloshaada si weyn ugu beddeli karaan haddii aad maalin walba joogteeyso. Waxaan ku baran doonnaa farqiga u dhexeeya Nidaamka (System) iyo Natiijada (Goals), iyo xeerar cilmi-nafsi ah oo aad maanta isticmaali karto si aad u jebiso caajiska nolosha.
Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice.
Explore this show Podcast research with Pod Engine