About PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed.
Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso.
La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta.
Mahadsanid.
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa.
Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono.
Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Dhagaysi wanaagsan.
***
Cambaabur Pocast kal soco:
Apple Podcasts
https://apple.co/3nAj3Bg
Spotify
https://spoti.fi/3nz0762
Google Podcasts
https://bit.ly/3xzwje5
Anchor
https://bit.ly/3nz2Hcl
Breaker
https://bit.ly/3u98hED
Overcast
https://bit.ly/3gPsfR9
Pocket Casts
https://bit.ly/3t7g7NZ
RadioPublic
https://bit.ly/3e41LcQ
Youtube
https://bit.ly/3em1X7r
Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.
15 Aug 2021
SHEEKO-FANEEDDA: Sooyaalkega, Jaadadkeega, Sida Loo Akhriyo| Maxamed Siciid Mire | CAMBAABUR PODCAST
Waa mar kale iyo Cambaabur Podcast
Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay:
Sooyaalka Sheeko-faneedda,
Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya,
Jaadadka sheeko-faneedka,
Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa,
iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha.
Dhagaysi wacan
#Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida, رواية_الصومالية#, #SomaliNovel
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus.
Mustafa Feiruz (https://www.facebook.com/0mustafafeiruz?__tn__=K-R&eid=ARAjkc_bTIR7TnoHuOlnxrZGE9LUKlXZ6p4xRzI-aAIpC7JFkdvqQ80CTcNJNfbuFz4oG8aQPM3BVKg9&fref=mentions&__xts__%5B0%5D=68.ARCl--oGPfuYnHnbESAP1-BsXVgr6uZlHQiPKKaZiJzoiJI1BlE6w_egpZm4De0pzwFWc8MR1JcboEyr9cZOmyVw5ZUq15vqEAs2A05EVHJMRryeak7jgOBsUxG189IyTS5HO-uiZ2lpTBUqmueCWF45Dn7DpQIjXP9q0rDgxiJcRSfMNLwoinvb8tVWyC70afiKRybDVckk8b2ADGq4JW6Onnfom03L_b90rp9inCaBYa8-Wqy1ysVeR0qs3M_OSC4bqCj4zFaNMkyTwX5NySVldgPvfCCObqctbOb1Xq1ARKIGHQmhJu8oEjZDtGL-pn35scEF8hLi7wekcD0_Qtw) wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.
Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.
Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay.
Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.
Qaybtii saddexaad uguna danbaysay weeyi tani, tii koobaad iyo labaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, barnaamujyada cusubna halkaas kala soco.
Dhagaysi wacan.
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus.
Mustafa Feiruz (https://www.facebook.com/0mustafafeiruz?__tn__=K-R&eid=ARAjkc_bTIR7TnoHuOlnxrZGE9LUKlXZ6p4xRzI-aAIpC7JFkdvqQ80CTcNJNfbuFz4oG8aQPM3BVKg9&fref=mentions&__xts__%5B0%5D=68.ARCl--oGPfuYnHnbESAP1-BsXVgr6uZlHQiPKKaZiJzoiJI1BlE6w_egpZm4De0pzwFWc8MR1JcboEyr9cZOmyVw5ZUq15vqEAs2A05EVHJMRryeak7jgOBsUxG189IyTS5HO-uiZ2lpTBUqmueCWF45Dn7DpQIjXP9q0rDgxiJcRSfMNLwoinvb8tVWyC70afiKRybDVckk8b2ADGq4JW6Onnfom03L_b90rp9inCaBYa8-Wqy1ysVeR0qs3M_OSC4bqCj4zFaNMkyTwX5NySVldgPvfCCObqctbOb1Xq1ARKIGHQmhJu8oEjZDtGL-pn35scEF8hLi7wekcD0_Qtw) wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.
Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.
Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay.
Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.
Qaybtii labaad weeyi tani, tii koobaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, qaybyta saddexaad ee soo socta iyo kuwa cusubba halkaas kala soco.
Halkan kala soco Mustafe Fayruus:
https://www.facebook.com/MustafaFeiruz/
Dhagaysi wacan.
Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus.
Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.
Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.
Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay hore u marinta uga baahantahay.
Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.
Dhagaysi wacan.
Pod Engine is an independent podcast discovery and analytics service and is not affiliated with or endorsed by this podcast. Artwork and show content belong to their owners. Full legal notice.
Explore this show Podcast research with Pod Engine