Tahainspires waa barnaamij Waxbarasho iyo Hogaamin. Hiigsigeena waa kobcinta wacyiga aqooneed, bulshadeed iyo xoojinta kartida hogaamineed ee dadkeena. Hadii aad tahay qof jecel CILMI iyo HORUMAR rukumo Podcastigeena weliba adigoo la wadaagi kara bulshadaada. Luuqad ahaan chanelku wuxuu isticmaalayaa Labada Lahjadood ee Af Soomaaliga ee Maay iyo Maxaatiri.

Taha Inspires
Claim This Podcastby Taha Inspires
Podcast Overview
Tahainspires waa barnaamij Waxbarasho iyo Hogaamin. Hiigsigeena waa kobcinta wacyiga aqooneed, bulshadeed iyo xoojinta kartida hogaamineed ee dadkeena. Hadii aad tahay qof jecel CILMI iyo HORUMAR rukumo Podcastigeena weliba adigoo la wadaagi kara bulshadaada. Luuqad ahaan chanelku wuxuu isticmaalayaa Labada Lahjadood ee Af Soomaaliga ee Maay iyo Maxaatiri.
Language

Publishing Since
1/15/2020
1 verified contact email on file for Taha Inspires
Pitch yourself as a guest, propose sponsorships, or reach out directly to the host.
Recent Episodes

May 7, 2020
KACAANKII WAXBARASHO EE FINLAND

Dalka Finland waa dal kuyaala qaaradda Yurub wuxuuna juqraafi ahaan u dhexeeyaa dalalka kala ah Norway, Ruushka iyo Iswiidhen. Wuxuu caan kuyahay goobaha biyo fadhiga ah ‘Lakes’. Sanado badan oo uu dalalka deriska la ah ayaa gumeysi kuhayey haddana waa dal ilaashadey huwiyyaddiisa. Sanadihii u dambeeyey Finland waxay hormuud ku yihiin hanaankooda waxbarsho oo aad u tayo badan. Buugga Kacaankii Waxbarasho ee Finland waxaan ku eegeynaa sida ay waxbarashadoodu tahay. Qoraaga buugga PasiSahlberg, macalin Jaamacadda Harvard, noqdeyna Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Finland.

Bajedka waxbarasho waa12%.

Ahmiyadda ugu weyn waxaa lasiiyaa caruurta farxadooda iyo inay noqdaan kuwo madaxbanaan.

Shaqsi walba sida ugu fudud uu wax kubaran karo ayaa loo baraa.

Ardada 7 jir ayey iskuul ku bilaabaan, keligood ayaana aada si ay u bartaan madaxbanaani.

4 saac keliya ayaa cashar la dhigtaa maalintii taasoo kadhigta dalka ugu saacadaha waxbarasho yar Yurub ugu tayo badan waxbarashadiisa.

Ardada iyo macalimiinta marwalba wey isla joogaan sida waqtiga cunnada oo kale si ay u weydiiyaan wax walbo oo cusub.

Farshaxanka ayay aad muhiimad u siiyaan..

Hanaanka waxbarasho waa ‘Baro oo la noolow’.

Ardada uniform maxirtaan.

Iskuulada matartamaan ee shaqo wadaag ayey sameeyaan.

Caruurta looma diro shaqo guri lagamana qaado imtixaan. Goobta waxbarasho waa iskuulka. Caruurta waxaa lasiiyaa waqti ay naftooda iyo dunida kaleba ay ku bartaan.

Majiro Iskuul qaas loo leeyahay. Dhammaan waa dowli.

Ardadu waxay ka qeybqaataan howl maalmeedka iskuulka sida nadaafadda, waraabinta beeraha, cuno gurashada si masuuliyad loo dareensiiyo loona jecleysiiyo.

Shaqada ugu fiican waa macalinnimo. Macalinku waa inuu shahaadada heerka labaad heystaa, shaqada jeclaa, wada shaqeyn yaqaano, xirfad wada xiriirka leeyahay,

Macalimiintu isbuuc walba siminaar ayey galaan.

Tusaalooyinka casharada waa dhacdooyinka noloshooda si looga saaro aan bartee maxay i tartaa?

Aragti wadaag oo maskaxda la tuujiyo.

Manhajka waxbarasho maahan shaqada xukuumadda, waa shaqada macalimiinta, iskuulada iyo dowladda hoose. Iskuulo badan waxay leeyihiin manhaj u gaar ah, kaasoo ay ogol yihiin bahda waxbarasho.

Waa Kuma Macalin? Macalinku waa hogaamiye, hogaamiyaha ugu wanaagsanna waa kan howshiisa si hufan u qabsada. Macalinku waa kan mar walba waxbarsho ufuran, qaldaadkiisa qibrad kahela, qibradiisana xirfaddiisa ku kordhiya. Sidoo kale waa cilmi baare, saynisyahan ah.

Barnaamijak oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo Taha Inspires

Wa billahi Towfiiq

May 3, 2020
Ka bulsho ahaan maxaan gacanteena ku jira oo sameyn karnaa?

Ka bulsho ahaan maxaan gacanteena ku jira oo sameyn karnaa?

Adiga iyo doorkaada muxuu yahay?

Wadamada qaar waxay sameysteen hal kudhikyo ay dadkooda ugu dhiiro gelinayaan la dagaalanka Cudurkaan – Sida “Dhamaanteena masuul baa nahay" iyo sidoo kale “Corono Taxaddirkeena kama xoog badno” iyo wixii la mid ah. Anaguna sidoo kale ka bulsho ahaan wado kale inooma furno – Carona taxadirkeena kama xoog badno.

1. Nadaafadda shaqsi oo joogteyno:

-Gacamaha oo si joogto ah loo dhaqo saabuun iyo in 20 seken lagu hayo.

-In aad farahaaga ka ilaaliso wejigaada oo dhan

-Xilliyada Qunfaca ama handhisada in aan isticmaalno mandiil hal mar ah (one time use) ah – ama in garabkaada ku hanjisooto

-Dharka aad banaanka ku aado in meel gaaar ah dhikto oo aadan ku darin dharka qoyska intiisa kale – sidoo kale intaad karto nadaafaddiisana ka taxadirto.

- iyo intii kaloo aad karto.

2. Kala fogaansho Bulshadeed:

-Fadhi ku dirir bataatan in la joojiyo

-Inta ay jirto musiibadaan gacan qaadka jooji

-Odayaasha da’da ah ama jirrooyin kale lanool iyo sidoo kale caruurta in ay guriyahooda joogaan oo bataatan soo bixnin.

-Hadii aad maqaayad yaanan cunto loo fadhiisan,

-Hadii aad goob ganacsi leedahay dadka hal mar ha u wada ogolaan in ay gudaha soo buux dhaafiyaan waayo waxaa lagu jiraa xilli dukaameysi adag.

-Hadii aad ganacsi leedahay oo suura gal kuu tahay saacadda iyo shaqaalaha labadooduba xadid – shaqaalaha shaqadiisa guriga ka soo qabsan karo, u ogoloow arintaas

-Hadii aad isku araktey calaamadaha gurigaada joog, hasoo bixin in muddo ilaa xaaladdu kugu adagtahay mooyee, markaasna ku soo bax ogaal shaqaale caafimaad.

-In qof kastoo xilligaan geeriyooda – Janaasadiisa dad yar tagaan si taxadir lehna loo aaso.

3. Kal fogaanshaha iyo nadaafadda muxuu faa’ideynayaa, hadiiba aan cudurkii dawo loo haynin.

-Waxaa yaraanaya dadka uu cudurku gaari lahaa.

-Waxaa cimri gaabad ku dhacaya cudur sidaha (pathogen)

-Wuxuu waqti siinayaa in cilmi baariyaasha ay waqti fiican u helaan si talaal loo soo saaro.

Ugu dambeyn adigu ha noqon buundadii uu cudurkaas ku faafi lahaa taasoo ka dhalaneys musiibo ballaaran. Aan kordhino wacyiga bulshadeena si loo kordhiyo taxadir wadareed taasoo badbaadin karta nolosha muwaadin Soomaaliyeed.

Mahadsaniin,

Caafimaad ku sooma

Kuna afurara

Naxariis

Dembi dhaaf

Janno.

April 6, 2020
2.MUHIIMIDY WALBARYSHTHY

#Muhiimadda Cilmiga

Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha ilaahey subxanahu watacaalaa uga soocey noolaha kale. La’aantiisna aadanuhu ma heli karo wado sax oo uu hadafkiisa ku gaari karo. Tusaale ahaan Nabi Aadan waxaa dhulka khaliifkiisa looga dhigay oo malaa’ikta looga doorbidey waxay ahayd cilimiga ilaahey uu barey.

Miraha ka dhasha cilmiga waxaa ka mid ah

1. Wax sifeyn – Qofka wax ma sifeyn karo asagoon laheyn cilmi iyo macluumaad u sahaleysa in uu wax sifeeyo. Tusaale ahaan ma sheegi kalorka shaatigaaga adigoon kala garaneynin midabada.

2. Wax Fasisirid – Hadaadan aqoon kuu bilaabaneyn ma fasiri kartid sababta ay wax u dhacaan. Tusaale ahaan qofka markuu xanuunsado wuu qandhadaa, sababta ma sheegi kartid hadaadan lahayn aqoon caafimaad.

3. Qiyaas – Hadaadan lahayn aqoon hore ma qiyaasi karto waxa berito dhici doono.

4. Go’aan Gaarid/Xukumid/ - Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha kuu sahalayo in aad go’aan gaarto. Tusaale ahaan marka aad rabto in aad safarto oo aad haysto dhowr waddo, markasta waxaad doorataa wadada ugu dhow uguna amni badan laakin hadii aadan macluumaad haysan go’aan kama qaadan karto wada aad dooran lahayd.

#Saameyn Bulsho

Waxaa aad u kala duwan bulshooyinka waxabartey iyo bulshooyinka aan waxabaranl. Bulshada waxbaratey waxaa isbeddelaayo qaab nololeedkooda, kala dambeyntooda iyo nidaamkooda nololeed ee maalinlaha ah.

#Talooyin Waxbarasho.

Ardada dhigata iskulaatka waxaan kula talinaya saddexdaan talo

In ay Quraanka xifdiyaan ayagoon dhameyn dugsiga sarre.

In wax kabartaan tiknoolojiyada dunida iyo

In ay helaan culuumta dhaqaalaha.

# Adada Jaamacaddana waxaan kula talin lahaa saddexdaan talo:

In ay xooga saaraan xirfadaha sida qoraalka, fagaare ka hadalka, Luuqaddaaja iwm.

In ay bartaan qaababka bulshooyinka loo abaabulo loolana macaamilo dadyow kala duwan.

Barashada qaababka dad loo hogaamiyo iyo culuumta hogaaminta.

Wabillahi Tawfiiq,

Abdisamad Sh. Abukar

11 total episodes available
Deep-dive analytics for Taha Inspires
Frequently asked questions
Have a different question and can't find the answer you're looking for? Reach out to our support team by sending us an email and we'll get back to you as soon as we can.
- What is Taha Inspires?
- How often does this podcast release new episodes?
This podcast updates daily.
- Where can I listen to this podcast?
This podcast is available on 4 platforms including Apple Podcasts, Spotify, and more. You can also use the RSS feed directly.
- Does this podcast accept guests?
Information about guest appearances is not available.
Legal Disclaimer
Pod Engine is not affiliated with, endorsed by, or officially connected with any of the podcasts displayed on this platform. We operate independently as a podcast discovery and analytics service.
All podcast artwork, thumbnails, and content displayed on this page are the property of their respective owners and are protected by applicable copyright laws. This includes, but is not limited to, podcast cover art, episode artwork, show descriptions, episode titles, transcripts, audio snippets, and any other content originating from the podcast creators or their licensors.
We display this content under fair use principles and/or implied license for the purpose of podcast discovery, information, and commentary. We make no claim of ownership over any podcast content, artwork, or related materials shown on this platform. All trademarks, service marks, and trade names are the property of their respective owners.
While we strive to ensure all content usage is properly authorized, if you are a rights holder and believe your content is being used inappropriately or without proper authorization, please contact us immediately at hey@podengine.ai for prompt review and appropriate action, which may include content removal or proper attribution.
By accessing and using this platform, you acknowledge and agree to respect all applicable copyright laws and intellectual property rights of content owners. Any unauthorized reproduction, distribution, or commercial use of the content displayed on this platform is strictly prohibited.